Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dagaal Xoogan Oo Ka Dhacay Duleedka M/ Muqdisho

February 13, 20190S

Muqdisho ( SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Jaziira ee duleedka M/Muqdisho.

Dagaalkan oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al Shabaab ayaa waxaa la sheegay in la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, basle Al Shabaab oo ka hadlay waxa ay sheegeen in ay ku qabsadeen mid ka mid ah gaadiid dagaal oo ay lahaayeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dagaalkaasi.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro ku qaada fariisimaha ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login