Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dagaal Xoogan oo Xalay ka dhacay Muqdisho

order sildenafil, order zithromax. dagaalyahanoshabaab1

Waxaa faah faahino kala duwan ay ka soo baxayaan Qasaaraha ka dhashay Dagaal Culus oo Xalay ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalkan ayaa waxuu Xalay ka dhacay Nawaaxiga Garaashka Xaaji Abuurka kadib markii Kooxaha hubeysanaa ay Weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Nawaaxiga Garaashkaasi.

Goobjooge la hadlay Idaacadda SKY FM ee Magaalada Muqdisho ayaa in Dagaalka Xalay ay ku dhinteen labo Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyadoona sidoo kale la tilmaamay qasaaro la gaarsiiyay Kooxaha Weerarka soo qaaday.

Sikastaba, Kooxahan Weerarka Xalay ku soo qaaday Saldhiga Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho ayaan la shaacin Cidda ay yihiin sababta ay u weerareen Ciidamadaasi.

You must be logged in to post a comment Login