Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dagaal xooggan oo ka socda J/HOOSE

Viagra Super Active online, cheap dapoxetine. War goor dhow naga soo gaaray Gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhexeeya Maleeshiyaadka Raaskambooni iyo Alshabaab.

Dagaalka ayaa la soo sheegayaa inuu yahay mid xoogan islamarkaana leysu adeegsanaayo hubka culculus, iyadoona ay hadda deegaanada uu dagaalka ka socdo kusii qulqulayaan Maleeshiyaad labada dhinac ka kala socda oo gurmad ah.

Dagaalka ayaa waxa uu bilowday kadib markii Maleeshiyaadka Raaskambooni ay dagaal ku qaadeen deegaano Shabaab ay ku sugnaayeen.

Sidoo kale, Dagaalka ayaa hada wuxuu ka socdaa Deegaanada Baar-sanguunni, Bangeenni, Mugaanbow iyo deegaanno kale, Deegaannada uu dagaalka ka socdo ayaa masaafo dhan Konton KM waxay dhinaca waqooyi uga beegan yihiin magaalada Kismaayo.

Saraakiisha hogaamineysa Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa sheegaya in halkaasi ay ku gubeen saldhigyo dhowr ah oo ay la haayeen Alshabaab, iyadoona Dagaalka ay ka qeybqaadanayaan Ciidamo taabacsan AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya.

Dhanka kale, Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa iska difaacaya weerarada culus ee dhanka Raaskambooni kaga imaanaya.

You must be logged in to post a comment Login