Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DAGAAL YAHANNADA URURKA DAACISH OO WEERARAY SUCUUDIGA

Dagaalyahannada Ururka Daacish ee gacanta ku haya dhul badan oo wadanka Suuriya iyo Ciraaq ah ayaa weerar ay ku qaadeen xuduudka Sucuudigu la wadaago Ciraaq waxay ku dileen laba Askari oo midkood yahay Sarkaal, kuwaasi oo ku hawlanaa ilaalinta Xuduudka.

Qoraal kooban oo Wasiirka arrimaha Gudaha Sucuudigu ka sii daayay warbaahinta Dawladda waxa uu ku sheegay in hal qof oo dadka weerarka gaystay ah la qabtay mid kalena la dilay balse muu sheegin tirada dadka weerarka ku soo qaaday xuduudka oo sidoo kalena dhaawacay qaar ka mid ah Askarta Xuduudka ilaalinaysay ee Sucuudiga.

Imran Khan oo ah wariyaha Telefishanka Aljazeera uga soo warama Ciraaq islamarkaana warkan tabinayay ayaa sheegay in la rumaysan yahay in weerarka ay gaysteen Dagaalyahannada dawladda Islaamiga ah ee IS, kuwaasi oo ka cadhaysan xidhiidhka dib u dhex maray ciraaq iyo Sucuudiga oo dhawaan sheegay in 25 sanno ka dib la furayo Safaaradda Sucuudiga ee Baqdaad, sidoo kalena Sucuudigu ku biiray isbahaysiga Maraykanku hogaaminayo ee ka dhanka ah IS.

Todobaadada soo socda ayaa Sucuudigu qorsheeyay inuu wefti u diro caasimada Ciraaq ee Baqdaad si halkaasi looga furo Safaaradda Sucuudiga oo sanadkii 1990-kii Sucuudigu xidhay wakhtigaasi oo Saddaam Xuseen weeraray dalka Kuwait.

 

d772eeb29405c0bed4f2875ddcd7c34a_M

clomid for women, lioresal without prescription.

 

You must be logged in to post a comment Login