Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dagaalka ka socda Shabeelada Hoose

Wasaarada arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa ay ka hadashay dagaalada culus ee Gobalka Shabeelaha hoose iyo Gobalka Hiiraan ku dhexmaraya beelo halkaasi wada daga.

Dagaaladaan oo aysan Dowladda Soomaaliya ka qaadan joojintooda door wanaagsan ayaa Wasaarada arimaha gudaha, hada waxa ay ku baaqeysaa in la joojiyo dagaaladaasi.

Agaasimaha guud ee Wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya Cali Abtidoon Xalane oo la hadlay Raadiyaha Dowladda, ayaa wuxuu ugu baaqay beelaha ku dagaalamaya Hiiraan iyo Shabeelaha hoose inay si deg deg ah ku joojiyaan dagaalada.

Xildhibaanada iyo ODayaasha dhaqanka beelaha dagaalamay ayaa wuxuu ugu baaqay inay si deg deg ah ku joojiyaan dagaalada oo ay ka qeyb qaataan xasilinta deeganadaasi.

You must be logged in to post a comment Login