Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dagaallo Ciidanka Puntland iyo Xoogagga Al-shabaab ku Dhexmaray Gal-gala

purchase sildenafil, buy lioresal online. 2014103635479072964892480vlcsnap-2014-10-02-09h47m25s151Wararka laga helayo deegaanka Galgala ee gobalka Bari ayaa sheegaya in gellinkii dambe ee shalay uu dagaal culus ku dhexmaray buuraleyda Golis ciidamada Puntland iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu socday muddo saacad ku dhow inkastoo aan weli la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac kasoo gaaray dagaalkan, balse waxaa la sheegayaa inay jiraan khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Warbaahinta Puntland ayaa ka gaabsatay ka hadalka dagaalkii shalay dhacay buuraha Gal-gala, iyadoo qaarkood ay sheegeen in dagaalladan ay ahaayeen kuwii ugu xoogganaa ee ka dhaca buuraleydaas.

Maamulka Puntland ayaa dhamaadkii sannadkii hore sheegya inay xoogagii Al-shabaab ka saareen xaruntii ay ku lahaayeen buurahan silsiladaha ah ee Golis, inkastoo weli ay ka dhacayaan dagaallo labada dhinac u dhexeeya.

Weli maamulka C/weli Gaas kama uusan hadlin dagaalladii shalay dhacay, iyadoo sidoo kalena aysan jirin warar sheegaya in dhaawacyada ciidamadii Puntland la gaarsiiyay Boosaaso oo markii hore la keeni jiray.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab oo ka hadashay dagaalkan ayaa waxay dhinaceeda sheegtay inay ku dileen askar ka tirsan ciidamada Puntland, balse ma jiro wax khasaare ah oo dhankooda soo gaaray oo ay sheegeen.

Buuraha Golis ee gobolka Bari ayaa waxay tan iyo sannadkii 2010-kii xarun u ahayd Al-shabaab, halkaasoo ay kaga soo duuli jireen ciidamada Puntland ee ku sugan deegaannada kala duwan ee maamulkaas.

 

You must be logged in to post a comment Login