Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dagaallo qaraar oo ka socda Puntland

Warar kala duwan oo naga soo gaaraya Deegaano ka tirsan Buuraha Galgala, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal Khasaaro kala duwan geystay oo u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo Alshabaab.

Dagaalka ayaa la soo sheegayaa inuu maanta galay maalintii Seddexaad, iyadoona labada dhinac ay isu adeegsanayaan Hubka noocyadiisa kala duwan.

order clomid, purchase clomid.

Dagaalka oo ah mid aad u xoogan ayaa waxa uu ka bilowday kadib markii Maleeshiyada Alshabaab ay dhowr wado u galeen Ciidamo ka tirsanaa Maamulka Puntland oo badal ugu socday kuwa halkaasi ugu jira dhufeysyada Militeri.

Goobjoogayaal ayaa soo sheegaya in dagaalada dhacay shalay iyo doraad ay ahaayeen kuwii ugu xooganaa ee mudooyinkan dhaca, waxaana la isku adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan.

Inta la xaqiijiyay dagaalkaasi ayaa waxaa Maleeshiyada Alshabaab looga dilay ilaa 7 ka tirsanaa dagaalyahaanadooda, halka kuwa Puntland looga dilay ilaa 9- ka rirsanaa Militerigooda.

Dhanka kale, Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa lagu wadaa in uu War ka soo saaro Dagaalka ka soconaya Buuraleyda Galgala.

You must be logged in to post a comment Login