Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dagaalo galabta ka dhacay qeybo kamid ah Muqdisho

Ciidamo taabacsan xarakada Shabaab ayaa maanta gelinkii dambe weeraro xoogan ku qaaday saldhigyo ay ciidamada Amison iyo kuwa DFS ku leeyihiin degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in dagaal socday ku dhawaad hal saac uu ciidamada Shabaab iyo kuwa Amison iyo dowlada oo isku dhinac ah ku dhaxmaray warshadda Baastada,SOS illaa iyo suuq Xoolaha.

Xoogaga weerarka qaaday ayaa madaafiicda garbaha laga gemo ku weeraray warshadda baastada oo saldhig u ah ciidanka AMISOM kadibna waxaa xigay dagaallo fool ka fool ah.

Sidoo kale rasaas xoogan ayaa laysku dhaafsaday warshadda Barafuufka iyo Shaneemo Cabdi Waayeel oo kawada tirsan degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen rasaasta iyo madaafiicda lays waydaarsanayay.
dagaalkan galabta Muqdisho ka dhacay ayaa kusoo aadaya xilli shalay ay qaraxyo khasaara badan dhaliyay ruxeen bartamaha magaalada caasimadda ah.

You must be logged in to post a comment Login