Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dalka Britain (Ingiriska) oo ciidamo u soo diraya Soomaaliya

Dowlada Britain ayaa shaacisay inay isku diyaarineyso saraakiil ay usoo dirto dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Saraakiishaasi ayaa la sheegay inay taageeri doonaan howlgalka ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya, kaasi oo la doonayo in looga awood sheegto ciidamada Alshabaab ee dagaalka kula jira dowlada Soomaaliya.

Ciidamada ayaa la sheegay inay la taliyayaal u noqon doona ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya, waxaana la geyn doonaan gobolada koofur dalka Soomaaliya si y difaacaan wadamada deriska la ah dalka Soomaaliya sida Kenya iyo Ethiopia.

Tiro ciidamadaasi kamid ah ayaa la sheegay inay caawinaad siin doonaan ciidamada qaranka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Warbixin kasoo baxay dowlada Uk ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadooda ay ku biiri doonaan kuwa Americanka ah ee saldhiga ku leh xaruunta Xalene,ee magaalada Muqdisho, si ay u ilaaliyaan shaqaalaha Qaramada Midoobay, Diplomasiyiinta iyo Shaqaalaha bulshada caalamka ee xalane saldhiga u ah .

Sanadkii 2012 xoghayaha arrimaha dibada ee dalka Ingiriisaka William Hague,ayaa waxa uu markii ugu horeysan uu booqasho ku yimid dalka soomaaliya, tan iyo sanadkii 1992,waxaana uu sheegay in dowlada Ingiriiska ay ka caawin doonto soomaaliya hormarinta Ammaanka iyo siyaasadda . Viagra Super Active online, cheap dapoxetine.

You must be logged in to post a comment Login