Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Danjiraha Slovakia ee Soomaaliya oo Warqadihii Aqoonsigii laga guddoomay

Kusimaha wasiirka arrimaha dibadda Somalia ahna wasiir ku-xigeenka wasaaradda, Mahad Mohamed Salaad ayaa maanta ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo danjiraha cusub Soomaaliya ay us oo magacowday dowladdaSlovakia, Michal Mlynar. Mahad Mohamed ayaa wuxuu ka sheekeeyay intii kulanka uu socday horumarka uu ku tallaabsaday xiriirka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Slovakia, isagoo intaa ku daray in dadaalka dowladda federaalka Soomaaliya ay ugu jirto xoojinta xiriir iskaashi oo dhinacya badan leh oo ay la saxiixato dowladda Slovakia. Danjire Michal Mlynar ayaa gudbiyay salaan uu ka siday ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Slovakia, Miroslav Lajčák, waxaana uu carabka ku adkeeyay sida dowladdiisu ay diyaar ugu tahay inay u howlgasho u saldhigidda xiriir xoogan oo saaxiibtinimo iyo iskaashi oo dhexmara labada dal. Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliy ayaa xoojisay siyaasadeeda dibadda, si indhaha caalamka ay ugu soo jiheyso isbadalada ammaan iyo hiigsiga dalka Soomaaliya uu ku taamayo, taasoo kordhisay in ergada iyo danjirayaasha shisheeye ay dib u howlgeliyaan safaaradihii ay ku lahaayeen Muqdisho. – See more at: http://www.hiiraan.com/news/2014/Jun/wararka_maanta7-46909.htm#sthash.Tz994Txc.dpuf order doxycycline, order zithromax.

You must be logged in to post a comment Login