Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Danjire Caalim yaa carabkaaga dalabta u yeelay?

Danjire Caalim yaa carabkaaga dalabta u yeelay

Mudane danjire Caalim bogga Internet-ka ee Axadle nuqulkiisii 3dii Oktoobar 2018, waxaad nagu weydiisay waxaan ka xasuusano hogaamintii madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Hadaba haddii aan kuu sheego waxa lagu xasuusan karo Xasan Sheekh Maxamuud shaqsi ahaan iyo ka hogaamiye ahaanba waa sidan: Marka dhabta laga hadlo oo dhanka xun aan wax laga eegin wax qabadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka mid ahaa inuu dhisay maamul goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug, Koofur-Galbeed iyo intii uusan xukunka degin inuu ku caawinayey bulshada gobolka banaadir siday cod u yeelan laahaayeen maamul danahooda matala. Waxaa kaloo lagu xasuustaa Xasan Sheekh inuu salka u dhigay dowladda hadda ka jirta Soomaaliya, wuxuuna wax weyn ka qabtay siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka, dowladdiisuna waxay ahayd mid awoodaheeda sharci dejinta, garsoorka iyo xukuumaddu ay kala madax banaan yihiin.

Waxaa kaloo wax qabadkiisa ka mid ahaa intuusan madaxweynah noqon inuu dalka hirgeliyey ururo samafal iyo kuwo waxbarasho oo bulshadu ka faaa��iideysatay, wuxuuna ahaa muwaadin aan dalkiisa ka baxin isagoo u dhabar adaygay xasilooni daradii dalka ka jirtay. Intaas haddaan uga gudbo jawaabta sua��aashii aadna weydiisay, waxaa adiga markaaga lagaa rabaa inaad ka jawaabto sua��aashayda ah a�?Danjire Caalim maxaa carabkaaga Dalabta u yeelay.a�� Sua��aashan waxaa keenay anigana igu kalifay inaan ku xasuusiyo waxqabadka saxda ee Xasan Sheekh Maxamuud qaabka aad u hadashay. Marka la eego sida mutaxan ee aad weerarka ugu qaaday Madaxweynihii hore Xasan Sheekh waxaad iila muuqataa inaadan ka hadlayn dan dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo dowlad wanaag toona. Balse aad qayb ka tahay siyaasad koox caraysan oo carabkooda ku dagaalamaya. Maxaa yeelay waxaad u hadashay qaab la mid ah qaabka dhalinyarada u ololeeya Dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay baraha warbaahinta bulshada ugu rifaan Madaxweyne hore Xasan Sheekh maxamuud.

Haddii aad tahay aqoon yahan dhexdhexaad ah oo maamul wanaag u doodaya halka aad kaga talax-tagtay si xun wax uga sheegga shaqsiyadda iyo maamulkii Xasan Sheekh waxaad xusi lahayd wixii dowladahii hore ka qaldamay iyo waxa ka qaldan tan hadda jirta. Haddii aan hadalkaagu ahayn mid ku salaysan la dagaalan shaqsi maxaadan uga hadlin in dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ku fashilantay amaanka caasimadda, inay tahay kalitalis taag daran oo awoodihii ka qaaday haya��adaha garsoorka iyo sharci-dejinta si aysan ula xisaabtamin, inay caburisay xoriyadda qowlka kadib markii ay aamusisay saxaafadda xorta ah iyo dadka aan taageerasanayn siyaasadaheed, inay ku fashilantay xiriir iyo wadashaqayn wacan oo ay la yeelato maamul goboleedyada iyo inay la xaajoon weyday reer waqooyiga gooni isku-taagga dalbanaya haddii aysan soo bixin wax kale oo ay ku qanci karaan arrinkaas.

Waxaa intaas dheer haddii maslaxad qaran aad ka hadlayso waxaa wax dhihid mudnayd qatarta ka imaan karta heshiiska dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay la gashay dowlada Ethiopia oo shacabkeedu yahay boqol milyan oo 80% faqri yihiin in siyaasad ahaan iyo bulsho is dhexgalaan Soomaaliya oo shacabkeedu yahay shan iyo toban milyan iyo in Ethiopia ay qusulo ka furato magaalo kasta oo weyn oo dalka ku taal, iyo weliba in Ethiopia ay maamusho seddex dekedood oo Soomaalidu leedahay.

Marka aad iska indhotirtay guud ahaan waxa ka qaldan siyaasadda Soomaaliya oo aad si shaqsi ah beegsatay Xasan Sheekh waxaa meeshaas ka muuqanaysa inaad afhayeen u tahay siyaasadda kuwa ka cabsanaya saaxaaada siyaasadda ee uu mar kale kasoo muuqday. Waxaad ku eedaysay Xasan Sheekh in dowladdiisa muran xagga awooda ahi ka jiri jiray. Taasi waa runtaa laakiin waxaan rumaysanahay in taasi ku timid awoodaha dowladda oo kala madax banaanaa xiligaasi is mucaaradayeen iyo iyadoo dowlad wanaagga aan la wadafahmsanayn, balse haddii ay xiligiisii jirtay dimoqraadiyad laysku mucaaradi karay hadda waxaa dalka ka arrimiya dowlad hal guri laga maamulo.

Ugu dambeyn Mudane Danjire waxaad ogaataa hadalo aan fiicnayn haddii hawada laysku mariyo oo ixtiraamka iyo Soomaalinimada laga tago waxaa imanaya ficil bulsho oo kala qaybsanaanta hadda jirta sii kordhiya.

W/Q Cumar Diini Mr.omar.dini@gmail.com Mobile 07958594786

The author of this article, Omar Dini is a freelance writer and a teacher who lives and works in the United Kingdom of Great Britain. He born and grew up in Somalia and before he travelled to the UK he worked in Mogadishu, as a journalist and he was founder of Qaran, a newspaper once widely circulated in Mogadishu. He obtained BA degree in Creative Media Writing and Journalism with Communication Studies from Middlesex University and later he underwent Post Graduate Certificate in Education (PGCE) course at Birmingham City University. He en purchase clomid, acquire zithromax.

You must be logged in to post a comment Login