Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Darawalada Gaadiidka dadweynaha oo Muqdisho banaanbax ka dhigay

 Apr 13, 2019

 0Share

Muqdisho-Wadayaasha gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano BL-ka ayaa saakay  ku banaanbaxay Isgeyska Ex koontorool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah Darawaladaasi oo lasoo xariiray KNN ayaa cabashadooda ku saleeyay canshuur laga qaadayo maalin kasta iyo wadooyinkii ay ku shaqaysan lahaayeen oo laga xiray.

Waxa ay sheegeen in maalin walba laga qaado Lacag  gaareysa 43kun oo Shilin Soomaali ah taasi oo ay u dheertahay wadooyinka oo ka xiran iyo handadaad joogta ah oo ay sheegeen in ay kala kulmaan Ciidamada Amniga.

Cabashada gaadiidleydaan ayaa imaaneysa ayadoo banaanbaxyo kale ay ka socdaan qeybo katirsan magaalada Muqdisho.

Ciidamada booliiska ayaa saaka  siyaabo kala duwan wadayaal bajaaj iyo dad shacab ah oo ka banaan baxayay falalkaas waxa ay dilal iyo dhaawacyo ugu geysteen Isgoysyada Howlwadaag iyo Digfeer ee magaalada Muqdisho.

You must be logged in to post a comment Login