Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dawladaha Mareykanka Iyo Ingiriiska Maxay Ka Yiraahdeen Cunaqabateynta Hubka Ee Laga Qaaday Soomaaliya?

Wax yar ka dib markii xalay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay uu si buuxda isugu raacay in la qaado xayiraadii hubka ee saarneyd Soomaaliya mudo ka badan 22 sano ayaa waxaa durbadiiba ka hadlay wakiilada joogtada ee dawladaha Mareykanka iyo Ingiriiska u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay.
Danjiraha dawlada Mareykanka Susan Rice oo ugu horreyn shir jaraa’id kaga warbixisay sidii ay dawlada Mareykanka ugu ololeysay qaadista xayiraada hubka ee Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in dawlada Washington ay ku faraxsan tahay inay aragto caalamka oo hal aragti ku eegaya arrinta Soomaaliya.
“Tani waxay tusaale cad u tahay in caalamka uu doonayo inuu taageero dawlada cusub ee Soomaaliya.” ayey tiri danjiraha Mareykanka u jooga Qaramada Midoobay.
Waxay sheegtay in dhowaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu yiri hadal farriin u diray beesha caalamka kaasoo ahaa “in caalamka uu yeesho hal cod iyo hal go’aan oo loogu soo hagaago”.
Dawlada Mareykanka ayaabilwgiiba qaraarka qaadista cunaqabateynta hubka horgeysay golaha amaanka iyadoo dawladaha diidana ay ka mid ahaayeen Ingiriiska iyo Faransiiska.

Dhanka kale danjirire Mark Lyall Grant oo ah danjiraha Britan u jooga Qaramada Midoobay kaasoo sheegay in qaraarka markii hore la isku diidanaa laakiin markii dambe ay u wada codeeyeen dhammaan 15 dawladood ee xubnaha ka ah golaha amaanka.

Mark Lyall Grant, danjiraha UK ee Qaramada Midoobay.
“Qaraarkan wuxuu wataa tiro waxyaabo lagu kontoroolayo, waxaana laga rabaa dawlada Soomaaliya in sanad kasta labo jeer ay soo wargeliso guddiga caalamiga ee la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea.” ayuu yiri Grant.
Danjiraha UK wuxuu kaloo sheegay in mudada sanadka ah haddii lagu helo dawlada Soomaaliya ama koox kale inay ku xadgudbeen cunaqabateyntan in markaasi ay qaadi doonaan tallaabo ku haboon.
Danjiruhu wuxuu kaloo sheegay in la ballaariyey waajibaadkii kooxda la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea haatana lagu daray inay soo tirakoobaan tirada hubka iyo noocyada ay soo iibsaneyso dawlada federaalka Soomaaliya.
Cunaqabateynta hubka ee shalay laga qaaday Soomaaliya ayaa waxaasi weyn u raadinayay dawlada cusub ee Soomaaliya iyadoo hadda loo ogolaaday inay geli karto heshiis ay hubka fudud adduunka kaga soo iibsan karto si ay u dhisto ciidamada dalka.
Waa markii ugu horreysay oo mudo ka badan 22 sano la qaado xayiraadii hubka ee saarneyd Soomaaliya taasoo golaha amaanka ay soo rogeen sanadkii 1992 markii dagaalada ay ka qarxeen Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login