Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dawladda Itoobiya oo boqolaal ruux xabsiga u dhigtay rabshadihii ka dhacay dalkaasi

S

Nov 1, 2019

 0S

Muqdisho–Hay’adaha ammaanka ee dalka Itoobiya ayaa bilaabay in ay soo qabqabtaan dadka looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen rabshadaha ka dhacay qaybo ka tirsan gobolka Oromiya ee dalkaasi.

Ciidamada Booliska ee dalkaasi ayaa waxa la sheegay in ilaa iyo hadda ay gacanta ku soo dhigeen ilaa 409 ruux, oo ku eedaysan in ay ka dambeeyeen rabshadihii ka dhacay dalkaasi Itoobiya , kuwaasi oo xabsiga loo wada taxaabay.

Waxa ay sheegeen in xukuumaddu ay sii wadi doonto in ay soo qab-qabato dadka ka dambeeyay rabshadihii ka dhacay dalkaasi, waxaana laga yaabaa in tirada dadka xabsiyada ku jiro ay intaa ka sii korodho, sida ay sheegeen ilo wareed ka soo baxay xafiiska Raysal Wasaaraha dalkaasi Itoobiya Abiy Axmed .

Rabshadaha maalmihii u dambeeyay hareeyay dalka Itoobiya ayaa timid kadib markii , jawar Mohammed oo ah nin u ololeeya qadiyadda Oramada uu ku dhawaaqay in la abaabulo kacdoon ka dhan ah Dawladda .

You must be logged in to post a comment Login