Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dawladda Jabuuti Ayaa Amaantay Amaanka Ka Jira Soomaaliya

order Viagra Professional online cheap, dapoxetine without prescription.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo kamid ahaa Wasiiraddii Arrimaha Dibadda ee Muqdisho ku shiray maalintii Shalay aheyd ayaa sheegay in Amaan la isku haleyn karo uu ka jiro Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Maxamuud Cali Yuusuf Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Jabuuti ayaa Xusay in Dowladda Jabuuti iyo Urur Goboleedka IGAD ay garab taagan yihiin Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya si ay u gaarto halka ay joogto meel ka sareeysa.

“Dowladda Jabuuti wey ku faraxsan tahay in ay Soomaaliya ku soo noqoto Xasiloonidii iyo kala Danbeyntii lagu yiqiin Jabuuti markasta waxaa ay dareemeysaa in Garab ka maqan yahay oo ah Walaalahood Soomaaliya”ayuu yiri Maxamuud Cali.

Dowladda Jabuuti aya Soomaaliya waxaa ka jooga Ciidamo kamid ah Howlgalka AMISOM,iyadoona Jabuuti lagu tilmaamo dalalka Doonaya in Soomaaliya Cagaheeda ay isku taagto.

You must be logged in to post a comment Login