Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dawladda KENYA Oo Jarmalka U Gacan Gelisay Laba Nin Oo Looga Shakisan Yahay Xagjirnimo

Revatio online, generic lioresal. Dawladda Kenya ayaa dhawaan shaacisay inay gacanta ku dhigtay laba nin oo dalka jarmalka u dhashay oo looga shakisan yahay inay xidhiidh la leeyihiin kooxo argagixiso ah, waxana haatan soo baxaya warar sheegaya in raggaasi ka baxeen gacanta dawladda Kenya.

Xafiiska Dacwad Oogayaasha wadanka jarmalka ayaa ku dhawaaqay in dowlada Kenya ay jarmalka ku wareejisay labadii nin ee wadankaasi udhashay kuwaa oo lala xidhiidhinayey in ay xidhiidh laleeyihiin Al-shabab, kuwaas oo dhawaan Kenya qabatay.

Raggan ayaa dacwad oogayaasha la hor keenay kahor inta aanay kasoo muuqan maxkamada federaaliga ah ee wadankaasi,waxaana lasheegay in xabsiga lagu sii heyndoono kahor inta aanay maxkamadeyntoodu bilaaban ,maadaama sida xafiisku uusheegay baadhitaan iyo su’aalo weydiin raggan lagu sameenayo.

Dacwad oogayaasha ayaa magacyada raggan ku kala sheegay Mounir T oo asal ahaan kasoo jeeda wadanka Tunusia iyo Abdiwahid ,wallow xafiisku aanu dhameystirin magacyada raggan.

“waxay ka tageen wadanka Germany sanadkii 2012 si ay ugu biiraan Al-shabab ,tababar ayey ka heleen kooxda Al-shabab ee Somalia” ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay xafiiska dacwad oogayaasha.

Dowlada Germany ayaa airport-ka Frankfurt ku xidhay horaantii bishan saddex ruux oo heysata dhalashada wadankaasi oo lagu tuhmay in ay xiriir laleeyihiin Al-shabab

You must be logged in to post a comment Login