Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dawo Madaxweyne Xasan Sh. oo habeenimo kormeeray Saldhigyada Booliiska Ee Degmooyin Ka Tirsan G/Banaadir(Sawirro)

IMG_2810

IMG_2905

IMG_2993

IMG_2806

IMG_2901

IMG_2990

IMG_2804

IMG_2896

IMG_29841

IMG_2790

IMG_2893

IMG_2980

tadalafil withoutprescription, generic zithromax. IMG_2965

IMG_2781

IMG_2849

IMG_2963

IMG_2778

IMG_2836

IMG_2959

IMG_2768

IMG_2820

IMG_2921Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kormeeray ciidamada amaanka ee ka howlgala xaafadaha degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeerkiisa waxa uu ugu kuurgalayey sida ay u howlgalaan ciidammada amniga xilliga habeenki.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeerkiisa waxa uu ka bilbaabay saldhigga Bari ee degmada C/casiis, halkaas ayuu madaxweynuhu ugu tagay saraakiil ka tirsan Booliiska iyo madaxda maamulka degmadaasi, iyadoo ciidammada iyo qaar ka mid ah saraakiishana waqtigaasi ay ku maqnaayeen howlgal degmada C/casiis dhexdeeda ah,

Intii uu madaxweynuhu joogay saldhiga Bari ayaa waxa uu xog wareystay saraakiisha saldhiga, waxeyna faahfaahin ka siiyeen xaaladda ciidammada iyo guud ahaan amniga degamdaasi, wuxuuna uga mahadceliyey dadaalkooda ku aaddan sid ay u dhowrayaan amniga shacabka.

Madaxweynaha ayaa uga sii gudbay halkaasi degmada Kaaraan, isagoo sii maray waddooyin dhowr ah waxa uuna gaaray Madaxweynaha Saldhigga degmada Kaaraan, waxa uuna su’aalo kala duwan oo la xiriirra sida ay u shaqeeyaan ciidammada Booliska weydiiyay saraakiisha saldhigga ku sugnaa, iyagoo ku warbixiyay in ciidammada ay si joogta ah kormeer uga sameeyaan dhammaan xaafadaha degmada, shacabkana ay ka helaan wada shaqeyn wanaagsan.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu kormeer ku tagay Saldhigga degmada Waaberi, isagoo soo idha indheeyey qeybaha saldhigga mar kalena su’aalo weydiiyey taliyhii saldhigga, waxa uuna ugu dambeyn ku dhiirageliyey in ay sii laba jibaaraan ilaalinta amniga, shacabka.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa xalay Lug ku soo maray waddada dheer ee Maka Al-Mukarama, waxa uuna halkaasi kula kulmay dad Soomaaliyeed oo saqdii dhexe ku sugnaa goobahooda Ganacsiga, kuwaas oo si weyn u muujiyey farxadda la xiriirtay in ay la kulmaan madaxweynaha dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa dhowr meel oo Ganacsi gudaha u galay, kana wareystay dadka ganacsanaya xaaladda ammaanka iyo sida ay ciidammada ula dhaqmaan, isagoo sheegay in waqtigan sababta ay u soo gaareen ay tahay amniga oo ay isku haleyn karaan, madaxweynaha ayaa wadada Maka Al-Mukarama kula kulmay wasiir ku xiggeenka Amniga iyo saraakiil ka tirsan ciidammada Booliska Soomaaliyeed oo xiligaasi howllo shaqo ku guda jiray.

Kormeerka madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu dhiiragelinayay dadaalka iyo howlgallada ciidammada amniga dowladda ay ka sameeyaan magaalada Muqdisho.

You must be logged in to post a comment Login