Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DEG DEG: Al Shabaab oo Weerar ku qaaday kenya

cheap zoloft, cheap Zoloft. Mandheera (Garoowenews Online)—Wararka laga helayo Gobolka Waqooyi Barri Dalka Kenya ayaa sheegaya in Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ay Weerar Xoogan ku qaadeen Saldhiga Booliska Magaalada Mandheera ee Dalka Kenya.

Dagaal yahanada ka tirsan Al Shabaab ayaa Saldhiga ku weeraray Qoryaha Garabka laga tuuro iyo Bambaanooyin waxaana ay kuk gareeceen Saldhiga Mandheera Iyadoona la soo sheegaya in Weerarka uu ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Abaanduulaha Ciidamaa Booliska Magaalada Mandheera Noah Mwivanda oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Al Shabaab ay soo waarareen Saldhiga Mandheera hase ahaatee waxuu carabka ku dhiftay in ay ka caabiyeen Weerarkii Al Shabaab.

Waxuu sidoo kale xusay in Dableyda looga shakiyay Al Shabaab in ay Weerareen Guriga Gudoomiye ku xigeenka Magaalada Mandheer Isagoona tilmaamay in Weerarkaasi uusan ka dhalan Khasaaro.

Noah Mwivanda ayaa ka gaabsaday in faah faahin ka bixiyo Khasaaraha Nafeed iyo midka dhaawac ee soo gaaray Ciidamada Booliska Kenya eek u sugnaa Saldhiga Xiliha la soo weerarayay.

Dhinaca kale, Kooxo sidoo kale lagu tuhmay Al Shabaab ayaa Weerar Khasaaro kala duwan geystay waxey ku qaadeen Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Dalka Kenya.

Weerarkan lagu qaaday Magaalada Wajeer ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 3 Askari waxaana dhaawac uu ka soo gaaray labo kale sida uu sheegay Odhiambo Wambia oo ah Sarkaal ka tirsan Booliska Kenya.

Sikastaba, Weerarkan Al Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Booliska Mandheera Magaalada Wajeer ayaa waxuu ku soo aadayaa Iyadoo Shalay Qaraxyo Khasaaro kala duwan geystay lagu qaaday Suuqa Gikomba ee Magaalada Nairobi.

You must be logged in to post a comment Login