Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DEG DEG : Ciidamo isku hareereeyey Xarunta Baarlamaanka

 

Ciidamo badan oo iskugu jira AMISOM iyo kuwa Dawlada ayaa waxay isku hareereeyeen xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo la sheegay inay wadaan baaritaano.

Ciidamadaan ayaa wariye  uu soo sheegayaa inuu arkay ciidanka oo dhamaanba afarteeda dhinac xarunta golaha shacabka Somaliyeed kusugan waxaana sidoo kale la arkayey gaadiidka dagaalka ee AMISOM.

Baaritaanka ka socdo xarunta gudaheeda iyo hareeraha ayaa waxa lasheegay inuu ka dambeeyey markii maanta la qorsheeyey inuu furmo kalfadhiga Afaraad ee baarlamaanka oo labo bilood fasax ku maqnaa.

Madaxweynaha dalka Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa la filayaa inuu  furo isaga kalfadhiga Afaraad ee baarlamaanka Somaliya.

 

 

You must be logged in to post a comment Login