Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DEG DEG:-Gargaar Loo Waday Dad Tabaalaysan Oo Lagu Leexsaday Jariiban

cheap zoloft online, Zoloft reviews. Gaadiid sida Mucaawino loogu Gurmadayo dad Tabaalaysan ayaa lagu leexsaday Degmadda Jariiban,sida uu innoo xaqiijiyay Xildhibaan ka mid ah Golaha Degaanka Degmadaasi.

Gargaarkaan ayaa loo waday Degmadda Towfiiq iyo Degaanadda Garacad iyo Dhinooda halkaasoo ay ka jiraan Abaaro Dadka iyo Duunyada Saameeyay maadaama aan Roobab ka di’in.

Gaadiidka Raashinka wada ayaa gaaraya 4 waxaana mid ka mid ah Darawaliinta uu Warbaahinta u xaqiijiyay in ay leexsadeen Gaadiidka ilaalada Gudoomiyaha Degmaddaasi C/llaahi Cali Yusuf.

Raashinkaan ayaa waxaa wada Hay’adda ICRC oo u Jawaabaysan dadka Degnaadaasi ku nool oo Maalmihii la soo dhaafay qaylo dhaan soo dirayay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa markii la dooranayay Sheegay in Xukumaddiisu ay la Dagaalami doonto Musuq-maasuga.

Horey waxaa loo xiray oo xilkiisii ku waayay Gudoomiyihii Degmadda Xarfo oo lagu eedeeyay innuu lunsaday Raashin Mucaawina ah oo loo waday dad tabaalaysan.

Dadka ku nool Degmadda Towfiiq oo ka mid ah Degaanadii uu Madaxweyne Gaas booqday ayaa Sheegay in Gudoomiyaha Jariiban uu dhowr jeer Musuq-maasuq uu ku sameeyay.

Dadka Degaanadaasi ayaa ka Codsaday Maamulka Gobalka Mudug iyo Puntland in Raashinkaasi loo sii daayo Maadaama ay jiraan dad ku dhow innay Macaluul u geeryoodaan.

You must be logged in to post a comment Login