Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DEG DEG: Guddoomiye Caawa lagu Dilay Baydhabo, Gobolka Baay

buy Super Kamagra online, purchase zithromax. download21-50x50—Wararka laga helayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Caawa Kooxo hubeysan ay Magaaladaasi ku Dileen Guddoomiyihii Xaafada Bardaale ee Magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha oo lagu magacaabo jiray Idiris Gacamey ayaa Dabley ku hubeysnaa Bistoolda waxey ku toogteen Xaafada Laanta Boqoleyda ee Magaalada Baydhabo Iyadoona Idiris Gacmey lagu dhuftay dhowr Xabadood.

Goobjooge la hadlay Caawa Garoowenews Online ayaa sheegay in Kooxo hubeysan Bitoolado ay Xaafada Laanta Boqoleyda ay ku toogteen Guddoomiyihii Xaafada Bardaale ee Magaalada Baydhabo waxuuna intaa ku daray in Dableyda ay baxsadeen.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Magaalada Baydhabo oo goobta durbaba soo gaaray ayaa bilaabay howlgallo lagu baadi goobayo Kooxihii Dilay Guddoomiye Idiris Gacamey balse la sheegin cid loo soo qabtay Dilkiisa.

Sidoo kale Sarkaal ka tirsan Maamulka Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Dilka Guddoomiyaha ay geysteen Kooxaha Amniyaadka ee Ururka Al Shabaab sida uu hadalka u yiri.

Inkastoo aysan jirin Shaqsi loo soo qabtay Falka Dilka ahaa hadan majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulka Sare ee Magaalada Baydhabo kaa oo ku aadan Dilka Kooxaha hubeysnaa ay u geysteen Guddoomiyihii Xaafada Bardaale ee Magaalada Baydhabo.

You must be logged in to post a comment Login