Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DEG DEG: Guddoomiye ku xigeenkii Dharkiinley oo la dilay

buy celebrex online without prescription, buy Zoloft online neurontin without prescription, dapoxetine without prescription. . order Super P-Force online cheap, generic clomid.
Kooxo hubaysan oo wata Mooto, ayaa saaka Degmada Dharkiinley waxa ay ku dileen Guddoomiye ku xigeenkii hore ee dhanka arimaha Bulshada Degmada Dharkiinley.

C/laahi Ibraahin “Isbiimo” oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Degmada Dharkiinley ayaa lagu toogtay Xaafada Salaam ee Degmadaasi, xilli uu watay gaari yar.

Kooxaha falka dilka ah geysanaayo ayaa la sheegay inay wateen Mooto, islamarkaana ay rasaas ku fureen gaariga, kadibna ay goobta ka baxsadeen.

Rasaasta ay ku fureen gaariga ayaa waxaa ku dhintay Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Degmada Dharkiinley, dhanka arimaha Bulshada C/laahi Isbiimo, waxaana ku dhaawacmay ruux la socday.

Degmada Dharkiinley ayaa maalmahan dambe xaaladeeda waxa ay aheyd mid degan oo aysan ka dhicin dilalka qorsheysan, laakiin Dharkiinley ayaa ah Degmo aanan wanaagsaneyn amnigeeda.

Ciidamada ammaanka Degmada ayaa gaaray goobta, halkaasi oo ay ka wadaan howlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayo.

You must be logged in to post a comment Login