Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DEG DEG: QARAX dad badan laayey oo mar kale caawa ka dhacay MUQDISHO

qarax

buy clomid online cheap, clomid without prescription.

Muqdisho (Somalimedia Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu Caawa goor dhow ka dhacay Barxada Iskaashatooyinka ee Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari walxaha qarxa laga buuxshay oo la dhigay Baar ku yaalla Barxada iskaashatada, waxaana lagu soo waramayaa in Qaraxaasi ay ku dhinteen inkabadan 6-ruux, halka dhowr carruur ahna ay ku dhaawacmeen.

Xiliga qaraxa lala eeganaayay Baarka ayaa waxaa ku caweynaayay dad farabadan kuwaasi oo inta badan ku shaahiyo Baarkaasi.

Gaariga qarxay ayaa la tilmaamay in uu ahaa Spacia midabkiisunu lagu sheegay Cadaan.

Lama oga in ay goobta ku sugnayeen mas’uuliyiin katirsan Dowlada Somalia, waxaana hadda Baarkaasi isku gadaamay Ciidamo ka kala tirsan Nabadsugida iyo Booliska.

Qaraxan ayaa yimid, saacado un kadib markii qarax kale oo ka dhacay isgoyska afarta darjiino lagu dilay dad shacab ah.

Saddexdii maalmood ee u dambeeyey ayaa Muqdisho ay qasneyd kadib bilo xasilooni ah, oo wax weeraro weyn aysan ka dhicin magaalada.

Caasimada Online, ayaa shalay qortay ayada oo soo xiganeysa saraakiil ciidan, xog ku saabsan in Shabaabka ay bedeleen dagaalkoodii, aynna markan ka go’an tahay inay beegsadaan Shacabka. Xogtan waxa ay Caasimada Online la wadaagtay saraakiisha ciidanka, ayada oo sidoo kale laga aqriyey webka, mana cadda, haddii ay feejignaan galeen iyo in kale, waxaase muuqata in wararkeenii ay dhab noqdeen.

You must be logged in to post a comment Login