Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DEG-DEG: Qarax ka dhacay Baledxaawo iyo dab ka kacay magaalada

Wararka laga helayo magaalada Baledxaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in goor dhow uu ka dhacay qarax sababay khasaare kala duwan.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob lagu shaaheeyo oo ku taalla gudaha suuq ku yaalla degmada Baledxaawo waxaana dab uu qabsaday goobo ganacsi oo meesha ku yaallay.

Waxaa soconaya dadaallo lagu doonayo in lagu damiyo dabka ka soconaya suuqa degmada Baledxaawo ee gobalka Gedo waxaana uu ilaa iminka bas-beelay ku dhowaad 10 dukaan.

Xaaladda ayaa kacsan waxaana dadka deegaanka ay muujinayaan cabsi xooggan oo la xiriirta in dhacdadani loo dhibaateeyo.

Ciiidamada dowladda ayaa wada howlgallo lagu baadigoobayo cidda ka dambeysay qaraxa iyo sida ay wax u dhaceen.

You must be logged in to post a comment Login