Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Deg Deg: Ra’isul Wasaare Dr Saacid oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo

Waxaa Goordhow ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo wafdi uu hogaaminayo ra’isul wasaaraha dowlada Soomaaliya.

Wafdigan ayaa kasoo baxay magaalada Muqdisho iyagoo goordhow tagay Kismaayo halkaas oo ay kusugnaayeen masuuliyiinta maamulka KMG ah ee Kismayo, Wasiiro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wariyaha Warqaad.com ee Kismaayo ayaa soo sheegaya in markii ra’isul wasaaraha uu soo gaaray magaalada uu gacan qaaday xubnaha maamulka magaalada iyo odayaasha iyo qeybaha kale ee bulshada.

Waxaa haatan loo galbiyay xarunta madaxtooyada iyadoo uu halkaas ka soconayo shir balaaran oo ay leeyihiin gudiga farsamada maamul usamaynta, maamulka KMG ah ee Jubbooyinka iyo xubnaha dowlada

Amaanka ayaa aad loo xaqiijiyay iyadoo dadka ay ku jiraan bandow soo bilowday saakay aroortii hore waxaana magaalada amaankeeda xaqiijinaya ciidamada amaanka dowlada iyo kuwa Amisom.

You must be logged in to post a comment Login