Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Deg Deg: Sirdoonka Mareykanka oo ugu danbayn gacanta ku dhigay Xasan Dahir Aweys, Xagee lagu hayaa?

Warar Goordhow aan ka helnay taliska Nabad sugida Soomaaliya ayaa sheegaya in Xasan Daahir Aweys iyo xubno kale oo la socday loo gacan geliyay Sirdoonka Mareykanka iyo kuwa kale oo reer Galbeed ah kuwaas oo ku sgan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Sirdoonkan ayaa Xasan Daahir kasoo qaaday xarunta Nabad sugidda ee Maama Khadija iyadoo loo gudbiyay dhinaca xarunta ugu weyn AMISOM ee Xalane.

Waxaa xaruntaas ku sugan Taliska AMISOM, Taliyaha Nabad sugida Mr Goobe, Saraakiil Sirdoon ah oo Mareykan iyo wadamo kale oo reer Galbeed ah.

Lama oga in ay dib ugu soo celi doonaan halkii uu ku xirnaa Xassan Daahir kadib marka ay su’aalaha weydiiyaan.

Xassan Daahir Aweys ayaa waxa uu in badan kamid ahaa raga sida aadka ah ay u doon doonayeen inkasta oo liiska raga la doonayo mar kale laga saaray, waxana hada jira war soo baxaya oo sheegaya in Mareykanku dalbadeen in gacantooda la geliyo

Dhanka kale, waxaa Muqdisho ka socda kulana ay leeyihiin siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameeyo kasoo jeeda beesha Habar Gidir oo doonaya in ay Xassan Daahir ku difaacaan qaab qabiil iyaga oo iska indha tiraya dhibkii waqtiga dheer uu ku hayay Shacabka Soomaaliyeed.

Kulankaasi waxa ay sheegeen in ay kasoo saari doonaan go’aan ay ku difacayaan Xassan Daaahir Aweys iyaga oo sidoo kale sheegay in ay ku canbaareyn doonaan go’aankii xalay looga fara maroojiyay Xassan Daahir kadib markii ay Cadaado ka keeneen

You must be logged in to post a comment Login