Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DEG-DEG: Wasiirkii ugu horreeyay ee xukuumadda cusub oo iscasilay

 

 

 

untitled

untitleduntitleduntitled

 

Shir saxaafadeed uu goor dhow ku qabtay magaalada Muqdisho guddoomiyaha gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ayuu kaga hadlay xilka ah wasiir kuxigeenka ee loo magacaabay.

Mudane Tarzan ayaa sheegay in ay wax fiican tahay in dowladdu ay u garato iyada inay xil kale u magacawdo sidaasi darteed xilkani ah wasiir ku xigeenka wasaaradda Sports-ka iyo Dhallinyarada aan lagu soo wargalin in loo magacaabayo.

Waxa uu tilmaamay in inuu jecel yahay u shaqeynta qaranka Soomaaliyeed laakiin ay wanaagsanayn in xilkani lagu soo wargaliyo inkastoo loo magacaabay xili uu isaga guriisa hurday oo jiifay.

Waxaana ay hadalladiisa ay u badnaayeen kuwa uu kaga cudur-daaranayo xilkaasi loo magacaabay ee magaciisa un lagu dhex arkay Liiska wasiir ku xigeennada.

Tani waxay Fadeexo ku noqonaysa dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh waana fashilkii ugu xumaa taariikhda oo ay wajahdo xukuumadda Dr C/wali Sheekh Axmed Maxamed.

FG: Waxaan idin soo gudbinaynaa shirkii Jaraa’id oo dhan oo uu qabtay Tarzan.

You must be logged in to post a comment Login