Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DEG DEG:Ciidamado Taraafikada oo Hada lagu Toogtay Muqdisho

buy doxycycline online, buy zithromax online.

war Hada soo dhacay ayaa waxaa uu sheegayaa in Degmada Waabari daqiiqado ka hor lagu toogtay labo askari oo taraafiko ah kuwaas oo ay toogteen labo nin oo dhalin yaro ah kuwaas oo Bastoolado ku hubeysnaa waxaana goobta iskaga baxsaday raga dilka geestay .
Xaafada Afasyooni Ee Degmada waa bari ayaa waxaa goor dhaw lagu dilay labo askar taraafiko ah sida ay sheegayaan dad goobta Falku ka dhacay ku sugan waxaana ay sheegayaan wararku in labada askari maydkoodu yaalo Goobtii oo aan wali laga qaadin .
Ciidamo dheeraad ah oo kuwa Amaanka ah ayaa waxaa ay gaareen Goobta Falku ka dhacay iyagoo Baaris ka sameynaya xaafadaasi ilaa hadana lama soo sheegin Cid loo qabtay Dilka labada askari .
dhawaan ayaa waxaa Degmada waabari isgooska dabka lagu dilay labo taraafiko ah kuwaas oo sidaan oo kale kuwii dilay ay iskaga baxsadeen Goobta waxaana maal mahaan dambeinta lagu jiray bisha Ramadaan soo badanayay dilalka askarta Dowladda iyo mas,uuliyiin intaba

You must be logged in to post a comment Login