Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Deg Deg:Ciidanka Al shabaab oo Dagaal Kula Wareegay Deegaanka Daynuunaay Ee Duleedka Baydhabo.

Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in dagaallo khasaara xooggan dhaliyay ay ka dhaceen duleedka magaalada Baydhabo.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka Al shabab ee gobolada Bay iyo Bakool ay weerar ku qaadeen saldhig ciidanka DF-ka ku lahaayeen deegaanka Daynuunaay.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay qabsadeen deegaanka Daynuunay iyagoona gacanta ku dhigay gaari nuuca dagaalka ah oo ay lahaayeen maleeshiyaad ka tirsan DFS.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in meydadka 5 askari lagu arkay deegaankii lagu dagaalamay,ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa maalmo ka hor ka baxay Daynuunay waxaana muuqat in Al Shabaab ay si buuxda uqabsadeen dhul ballaaran oo xiriiriya Buur-hakaba iyo Baydhabo.

You must be logged in to post a comment Login