Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Deg Deg:Dagaal ka socda saaka Degaano hoos taga Beledweyne

Wararka ka imaanaya Deegaanka Diifoow ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Saaka Waabarigii dagaal u dhaxeeya Labao Maleeshiyo Beelood uu ka dhacay,kaas oo ilaa hada socda sida Wararkii ugu danbeyey ay sheegayaan.

Dagaalka ayaa Dhimasho iyo Dhaawac geeystay,waxaana Dadka dhintay ay u badan yihiin Maleeshiyada ku dagaalamaya Deegaanka Diifoow ee Gobolka Hiiraan.

Inta la og yahay Dagaalka ayaa waxaa ku Geeriyooday ugu yaraan Shan Ruux oo u badan Dhinacyadii Dagaalamay,sida uu soo sheegayo Wariyaha Idaacada Kulmiye ee Gobolka Hiiraan Ciise Cabdi Ciise.

Deegaanka Diifoow ee Gobolka Hiiraan ayaa Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka u jira qiyaastii 35-KM,waxaana halkaa Dhowr jeer ku dagaalamay Maleeshiyo wada daga halkaasi.

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Odayaasha Gobolka ayaa wada Dadaalo lagu Joojinayo Dagaalka Saaka ka biloowday Deeganka Diifoow ee Gobolka Hiiraan. cheap sildenafil, Zoloft reviews.

You must be logged in to post a comment Login