Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Deg Deg:Taangiyada Ciidanka Kenya Oo Dagaalka Kismaayo Ku Biiray iyo Barre Hiiraale Oo Dhanka Guul Wade loo Kuusay.

Iyadoo dagaallo culus ka socdaan magaalada Kismaayo ayay ciidanka Kenya oo ku qalabaysan gaadiidka gaashaaman si toos ah uga qeyb qaadanayaan dagaalka.

Goob Joogayaal ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in ciidanka Kenya ay hadda ka dagaalamayaan agagaarka, guriga gobolka K2 iyo dacalka dhanka bari ee warshadda Hilibka oo xoogaga Barre Hiiraale loo kuusay.

Ciidanka Kenya ayaa dagaalka soo galay kadib markii maleeshiyaadka Axmed Madoobe lagu jabiyay dagaalkii shalay illaa iyo maanta barqadii dhacayay.

Gaadiidka gaashaaman ee Kenya iyo kuwa Kufaarowga loo yaqaan ayaa madaafiic ku garaacaya xaafadda Guul Wade oo ah halka uu iskasoo abaabulay Barre Hiiraale,goor sii horreysay madaafiic ay rideen ciidamada Axmed Madoobe ayaa ku dhacday guriga Ugaaska Beesha Sede ka deganyahay Kismaayo waxaana jira dhaawacyo halis ah oo gaaray dad rayid ah oo guriga ku sugnaa.

Jugta madaafiicda ayaa laga maqlayaa magaalada waxaana socda dagaal aysan dhinacyadu waxba iskula harayn,saraakiisha ciidanka Kenya ayaa ciidankooda amar kusiiyay in ay dagaalka galaan si loo bad baadiyo maamulka KMG ah ee Axmed Madoobe madaxda ka yahay.

Wixii soo kordha waan soo gudbi doonnaa insha’allaah
Somalinimo1.com, Kismaayo

You must be logged in to post a comment Login