Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DF oo lagu wareejiyay diyaarado lagu buufinayo ayaxa

 

Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Khamiis ah  la wareegtay laba diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca (Helicopters), kuwaas oo ay ku deeqday dowladda Canada.

Labadaas diyaaradood, ayaa loogu tala galay in Ayax looga buufiyo degaananda uu kaga habsaday Soomaaliya, oo ay ku jiraan Puntland, Somaliland iyo Galmudug halkaas oo  muddooyinkii u dambeeyay uu fara ba’an ku hayay Ayaxa.

Mashruucaas, waxa si wadajir ah u maalgelinaya Hay’adaha  FAO iyo USAID, waxaana fulinaysa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda oo ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka beeraha Saciid Xuseen Ciid iyo wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed C/llaahi Oomaar.

You must be logged in to post a comment Login