Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DF Somalia oo qiratay Jab iyo in aysan awood u lahayn la dagaalka Al-Shabab

Muqdisho (CSomalimedia Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay sheegtay in Shabaab ay culeys ballaaran ku tahay dalka oo aan laga adkaan karin xittaa haddii ay dedaal kasta sameyso.

Wasiirka warfaafinta, Mustaf Dhuxulow oo la hadlay warbaahinta Kaddib markii xaley weerar lagu qaaday aqalka madaxtooyada ee looga arrimiyo dalka ayaa sheegay in Shabaab ay markale fulin karto weerarro la mid ah kuwii dhacay xaley oo kale dowladdana itaalkeeda uusan gaarsiisneen in ay iska difaacdo.

Wasiir Dhuxulow ayaa sidoo kale tilmaamay in dalka uu ku jirro marxlad xasaasi ah oo u baahan dul qaad iyo sabir sidda uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa qiray in itaal darrida dowladda aaney awood u heynin in la iska difaaco Al-Shabaab oo dowladda naga awood badan nagana Tiknoolajiyad badan ayaa iska qaban waayay argagixisada ayuu yiri.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya iyadoo kooxda Al-Shabaab ay labo jibaartay weerarrada ay ka fulineyso gudaha Soomaaliya gaar ahaan caasimada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa 10-kii cisho ee la soo dhaafay Muqdisho ka fuliyay weerarro iyo dilal lala eegtay dad u badan ciidamo iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Somalimedia Online

Xafiiska Muqdisho

info@lsomalimedia.co.uk

Cialis Super Active for sale, clomid without prescription.

You must be logged in to post a comment Login