Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DFS Iyo IGAD Oo Go’aan Kama Dambeys Ah Ka Gaaray Shirka Jowhar Kuna Dhowaaqay..

buy Tadacip, purchase dapoxetine.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta kulan saacado qaatay ku yeeshay xubo ka socda dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayey Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte iyo sidoo kale xubno ka socday IGAD oo uu hoggaaminayey ergayga ururkaasi u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey.

Uljeedka shirka ayaa ahaa sidii degdeg loogu dhis lahaa maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo muddo ka badan Sanad lagu muran sanaa qaabka wax loo dhisi lahaa.

Shirka markii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay Ra’iisul wasaare ku xigeenk, wasiirka arrimaha gudaha, iyo Ambassador Afey.

Wasiir Odowaa ayaa sheegay in dadaal badan ay ku bixiyeen sidii loo dhisi lahaa maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, islamarkaana IGAD iyo DFS ay ku bixiyeen waqti badan.

“Mudane Ra’iisul wasaare waxaan ku bixinnay waqti badan si loo helo lahaa bulsho qanacsan oo u dhan maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, marar badan waxaan ku laabannay magaalada B/weyne si Odayaasha u qancinno”

Maxamed Cabdi Afey ayaa isaguna halkaasi ka hadlay wuxuuna ku dhawaaqay in shirka Jowhar maalinta Sabtida ah u furmayo si kama dambeys ah.

“Sabtida oo ku began 3 bisha waxaan ugu baaqeynaa ergada in Jowhar isugu timaado, waxaa naga go’an inaan dhisno maamulkaan, dadka deggan gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe waxay u baahan yihiin maamul, sidaa darteed waa in aysan dadkaasi ka harin shacabka kale ee ku sugan meelaha maamullada laga hirgeliyey”

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte oo isna halkaasi ka hadlay wuxuu bogaadiyey Odayaasha dhaqanka ee Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe in ay si niyad ah u dhistaan maamulkaan, islamarkaana waqtiga yar ee haray lagu dhameystiro maamulkaan.

“Waqtiga aad buu u yaryahay, waxaan rabnaa in maamulkaan noqdo kii ugu dambeeyay ee la dhisay, waa in si dadku doorashada uga qeybgalo loo dhiso maamul ay u dhanyihiin, una madax bannaanyihiin”

Waxgarad ku sugan magaalada Baladweyne ayaa aad u diidanaa shirka Jowhar, balse hadda waxay howsha u muuqataa mid socon doonto cid walbo oo ka hortimaadana loo joojineyn.

Zenegra for sale, order lioresal.
buy Kamagra Soft online, clomid reviews.

 

You must be logged in to post a comment Login