Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DFS oo digniin u dirtay in ka badan 43 markab oo laga leeyahay Iran iyo Pakistan

Muqdisho–Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa digniin u dirtay maraakiibta  sida sharci darrada ah uga kalluumeysta biyaha Soomaaliya.

Wasiirka kalluumeysiga iyo khayraadka badda Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa digniin u diray maraakiib laga leeyahay dalalka Iran iyo Pakistan oo sida uu sheegay hanaan sharci darro ah uga kalluumeysta biyaha dalka.

“Waxaan uga digeynaa maraakiibtaasi inay si degdeg ah biyaha dalkan uga baxaan wixii awood ah ee aan saari karno iyo soo qab-qabashadoodana waan ka shaqeyneynaa. Waxaan u baahannay in cid kasta oo naga caawin karta inay naga caawiso sidii loo qaban lahaa maraakiibtaas” ayuu yiri wasiirka kalluumeysiga Cabdullaahi Bidhaan.

Wasiirka oo la hadlayey warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in markaakiibtaas ay gaarayaan 43 markab, isla markaana ay badankood ku jiraan  xeebaha maamullada Galmudug iyo Puntiland.

Sidoo kale Wasiir Cabdullaahi Bidhaan ayaa sheegay in sharci darrada ay maraakiibtaasi ku kacayaan ay sababi karto in mar kale ay isisoo abaabulaan burcad badeedii beri ku xooganeed xeebaha dalka.

Ciidamada la dagaalanka burcad badeeda xeebaha Soomaaliya ayuu ugu baaqay wasiirka kalluumeysigu in ay dowladda ka caawiyaan xogta rasmiga ah ee maraakiita sida sharci darrada ah uga jillaabayana biyaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo sannadkii hore doomo kalluumeysi siisay shatiyo ay kalluunta Tuna uga jillaaba karaan biyaha dalka, waxayna  sheegtay in ay xoogga saareyso sidii xeebaha dalku ay u noqon lahaayeen kuwo amni ah oo la isku haleyn karo.

You must be logged in to post a comment Login