Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DFS oo shaacisay shuruudaha lagu dooranayo shirkadaha shidaal qodista Soomaaliya

 

Muqdisho-Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta waxa ay shaacisay shuruudaha laga doonayo, shirkadaha soo dalbanaya shidaal qodista Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa waxa uu sheegay in shirkadaha soo dalbanaya shidaal qodista dalka laga doonayo shuruudo ay ka mid yihiin, in ay awood u leeyihiin in ay maalgashtaan xirmooyinka shidaalka dalka iyo in aysan bar madow ku lahayn suuqyada ama shirkadaha shidaal ee dalka.

Wasiirka ayaa arrintan waxa uu u ku faahfaahiyay wareysi gaar ah, mar uu siinayay Idaacadda Kulmiye.

Wasiirka ayaa waxa uu sidoo intaa ku daray in ay jiraan nidaamyo kala duwan,kuwaas oo ay mari doonaan shirkadaha soo codsada shidaalk qodista dalka.

You must be logged in to post a comment Login