Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DFS oo sheegtay in ay soo daabacayso Lacag cusub

Muqdisho- Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u daabacayso Lacag cusub oo Shillin Soomaali ah.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dawlada Soomaaliya ay ku hawlan tahay sidii ay dib ugu soo daabici lahayd Lacaga Shillin Soomaaliga.

Waxa uu sheegay wasiirku in dib u daabicista Lacagtani ay ku bixi doonto kharashaat gaaraya 40 Milyan oo dollar.

Waxa uu intaa ku daray in qayb ka mid ah kharashaadkaasi ay hadda dawladu hayso inta kalena ay soo dhammeystiri doonaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dawlada ay soo wajahday hoos u dhac dhaqaale taas oo uu keenay cudurka Corona.

You must be logged in to post a comment Login