Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DFS oo sheegtay in heer gabo-gabo ah marayo qorshayaasha dhismaha labo dekadood

Muqdisho-Maryan Aweys Jaamac wasiirka dekadaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in heer gabagabo ah uu marayo qorshayaasha lagu dhisayo dekadaha Baraawe iyoHobyo, kuwaasi oo ay ballan qaaday dhismahooda dawladda Qadar.

Wasiir Maryan ayaa shaaca ka qaaday in daraasaada lagu sameynayo dekadaha Baraawer iyo Hobyo ay soo dhammestirmeen, dhawaana la bilaabi doono qorshayaasha lagu dhisayo.

Dekadaha Baraawe iyo Hobyo ayaa dhismahooda kadib ay ka faa,ideysan doonaan dadka deegaanka ah iyo maamulada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Galmudug ee ay ku kala yaallaan labada dekadood ayna ka heli doonaan macaash fara badan.

Dawlada Qadar oo ka mid dawladaha saaxiibada dhaw la ah dawlada federaalka ah ee Somalia ayaa waxa ay horey u balan qaaday in ay dhisi doonto labadani dekadood, iyadoona haatan bixin doonta dhaqaalaha ku baxaya mashaariicda lagu dhisayo dekadahan.

You must be logged in to post a comment Login