Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday magaalo ka tirsan Soomaaliya

Dhacdadaan oo mid argagax badan ah, ayaa waxay maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, ka dib markii uu nin uu si xun ugu dilay haweeneydii uu qabay oo caruur u heysay.

Lamaanahaan oo heystay dhowr caruur ah, ayaa waxaa soo kala dhex galay buuq iyo murun, waxayna taasi keentay in ninka oo lagu magacaabo Aadan Diiriye, uu haweeneydiisii jiirsiiyo gaari xamuul ah.

Aadan Diiriye wuxuu ka shaqayn jiray baabuurta iska rogaha loo yaqaano ee dhegxaanta iyo ciidda guryaha lagu dhiso keentay Magaalada Kismaayo, waxaana la sheegay in dhowr goor uu dul marsiiyay xaaskiisii.

Haweeneyda la dilay, ayaa waxaa la sheegay inay uur laheyd oo xaamilo ahayd, waxayna taasi sii argagax gelisay dadka Somaliyeed ee ku nool Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Maamulka Kmg ah ee Jubba, ayaa waxay markiiba ay gacanta ku soo dhigeen ninkii falkaan geystay, kaasoo caawa ku xiran Saldhiga Booliska ee Magaalada Kismaayo.

Korneyl Maxamed Xasan Barre (Gaboobe), Madaxa ammaanka ee Magaalada Kismaayo, ayaa wuxuu sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan waxa sababay in Aadan Diiriye, uu si xun u dilo xaaskiisii. tadalafil withoutprescription, generic zithromax.

You must be logged in to post a comment Login