Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dhacdo naxdin leh oo ku soo korartay xiisaddii SH/HOOSE iyo mid ka mid ah beelaha is haya oo falkaas geysatay

Inta u dhaxeyso Deegaanada Nambar Lixdan iyo Nambar Konton ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa shalay lagu dilay afar qof oo rayid ahaa, oo lagala dagay gaarigii ay saarnaayeen.

Dadka la dilay, ayaa lagu warramayaa inay ka yimaadeen degmada Marka, ayna saarnaayeen baabuur nooca raaxada ah.

Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada online u sheegay inay dilkan geysteen maleeshiyadii dhowaan laga saaray Marka, ee xiriirka la lahaa Al-shabaab, ayada oo dadka la dilayna ay ku hayb yihiin ciidamada iminka haysta Marka.

Maleeshiyada falkan arxan darrada ah gyesatay, ayaa la sheegay inay howdka kasoo baxeen, kadibna ay dib ugu carareen markii ay dilka geysteen.

Meydadka afarta qof, ayaa muddo yaala deegaanka Buush, oo ku yaala inta u dhaxeyso Nambar Konton iyo Nambar Lixdan, halkaasi oo sidoo kale shalay lagu dilay oday lagu magacaabi jiray Tahliil Cali Salaad, oo beertiisa loogu tagay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan wafdi heer wasiiro ah u dirtay Marka kuwaasoo la rabay in ay soo afjartay dagaallada ku soo noqnoqday gobalka Shabellaha Hoose gaar ahaan magaalada Marka.

Si kastaba, waxaa dad badan ay aaminsan in dagaallada ku soo noq-noqda gobalka Shabeellaha Hoose waxaa ka dambeeya gacan seddaxaad oo aan ahayn dhinacyada dagaallamaya. order Sildalis online, purchase Zoloft.

You must be logged in to post a comment Login