Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dhagar Qabayaal Xalay Soo Weeraray Hotel Ku Yaalo Buulo Barde Oo Ciidamu Toogasho Ku DIleen

In ka badan Lix dhagarqabe oo ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa ku geeriyootay weerar argagaxiso oo xalay saqdii dhexe ay ku soo qaadeen Hotel ay degnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ku yaala degmada Buulo Barde ee gobolka Hiiraan.

Saqdii dhexe ee xalay ayaa Hotel ku yaala Buulo Burde oo ay deganaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda waxaa meel ka baxsan ku qarxay gaari kadibna waxaa ku soo yaacay Hotelka dhaqarqabayaal ka tirsan Shabaab, hase yeeshee waxaa u jilib dhigay oo wada toogtay ciidamada XDS ee ilaalada ka hayay Hotelkaasi.

Saaka ayaa lagu arkay iridda hore ee Hotelka meydadka Lix ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab oo iyagu isku dayay iney galaan hoteelka kuwaasoo la rumeysan yahay in qaar ka mid ah ay yihiin ajaanib.

Hotelkan oo ku yaala bartamaha magaalada Buulo Burde ayaa lagu magacaabaa Hotel Camalow, waxaana deganaa mas’uuliyiinta dowladda, iyadoo dhagar qabayaasha shabaabna ay ka soo weerareen laba jaho hase yeeshee waxaa fashiliyay oo u jilib dhigay weerarkaasi ciidamada XDS.

You must be logged in to post a comment Login