Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dhagar qabe Shabaab ka tirsan oo Xukun Dil ah lagu riday (Dhageyso)

Maxkamadda darada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riday dhagar qabe ka tirsan Al-Shabaab oo ay ciidamada ammaanka ee degmada Deyniile ka soo qabteen xaafado ka mid ah degmadaasi, kadib markii lagu helay isaga oo haysta Qoriga loo yaqaan Hoobiyaha iyo rasaasta laga rido oo saddex xabo ahayd, kuwaasi oo ah nooca 82.

Goobta xukunka ka dhacay oo ahayd degmada Dayniile ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Liibaan Cali Yarrow, kaaliyaha Maamulka Gobolka Benaadir ee xagga Amniga Maxamed Cabdiqaar, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare iyo xubno kale oo ka tirsan oo maamulka Degmada Dayniile.

Forzest for sale, lioresal online.

You must be logged in to post a comment Login