Dhagayso: Kenya oo si naxariis daro ah caruur ugu leysay Gedo & Militeriga Soomaaliya oo ka warbixiyay.

Filed under: Wararka |

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qasaaraha ka dhashay duqeyn ay ciidamada Kenya ka geysteen deegaano ku yaal gobolka Gedo.

Duqeyntan oo lala bartilmaameedsaday dad shacab ah ayaa ka dhacday tuulo qayaastii 12 KM ujirta deegaanka Garinley iyo deegaanka Daarusalaam ee gobolka Gedo sida ay saraakiisha dowladda sheegeen.

Sedex qof ayay ciidamada Kenya ku dileen duqeyntaas, sedexdaas qof ayaa kan ugu weyn uu ahaa 13 sano jir halka kuwa kalana ay ahaayeen caruur aan waxba galabsan.

Saraakiisha Militeriga Soomaaliya ee deegaanadaas ku sugnaa ayaa sheegay in xiligii ay Kenyanka weerarka qaadayeen uusan jirin wax dagaal ah sidoo kalana aanan howlgalgalkaas lagu wargelin maamulka iyo ciidamada dowladda.

RIIX HALKAN: DHAGAYSO XASUUQA GEDO

Col. Axmed Khaliif Cabdi oo ah taliyaha ciidamada xoogga dalka ee aaga deegaanka Garinley ayaa xaqiijiyay in bartilmaameedka ciidamada Kenya uu ahaa in shacabka la laayo.

Waxaa uu sheegay ineysan awood ulaheyn iney ka hor tagaan gabood faladda iyo xasuuqa ay Kenya ka geysanayso gobolka Gedo, uuna uga baaqayo maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya in arintan ay soo fara geliyaan.

Kenya ayaanan wax nixid ah usameyn shacabka iyadoo isku mid ka dhigta Shabaab-ka ay dilaan iyo dadka shacabka ah.

Dowladda Soomaaliya marna kama aysan hadlin weerarada ay ciidamada Amisom ku xasuuqayaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Posted by on April 21, 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=KOQ34B1Nfes&w=468&h=60]

Leave a Reply