Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DHAGEYSO:-Axmed Madoobe oo maanta la hadlay ciidamo ku sugan Afmadow.

January 10, 2019 226 Views

Afmadow–Axmed Maxamed Islaam  Madaxweynaha Jubbaland  ayaa saaka booqday Ciidamo loo diyaariyay  howlgalka xoraynta Jubbada Dhexe oo ay kamid yihiin Ciidamadii ka howlgalayay aaga Degmada Afmadow.

Madaxweynaha Jubbaland oo mar la hadlay Ciidanka ayaa sheegay in shaqo wanaagsan ay qabteen ciidanka, islamarkaana Cadowgana ay tilaabo ka qaadeen sida uu hadalka u dhigay, isagoona sheegay in dadaalkooda iyo shaqada Bulshada ay u  qabteen mar walba lagu xusuusan doono.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dhawaan Degmada isbadal lagu samayanayo oo Maamul Ra’yid ah loo samaynayo iyadoo Ciidamadii fadhigoodu uu halkan ahaana ay shaqooyin u tagi doonan meelo kale si ay deeganada kale u xoreeyaan.

Jubbaland ayaa abaabul dagaal ka wada qeybo ka mid ah gobalada Jubooyinka, oo ay joogaan Al-Shabaab.

Halkan ka Dhageyso

You must be logged in to post a comment Login