Dhageyso: Dagaalkii Tukaraq oo xoogeystay iyo labada dhinac oo isku adeegsanaya madaafiic culus

Filed under: Wararka |

Wararkii ugu dambeeyey ee  dagaalka ka soconaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in xaaladda ay aad uga sii dartay, iyadoo dagaalkana uu xooggeystay.

Goob jooge ku dhow tukaraq ayaa  sheegay in Madaafiic xooggan ay isku adeegsanayaan Labada dhinac, islamarkaana hadda ay isla aadeen dhanka buuraha ee deegaankaasi ku dhow.

Waxaa jira khasaare kala duwan oo soo gaaray dhinacyada is haya, balse weli tiro rasmi ah lama hayo.

Ciidamo gurmad u ah kuwa Puntland iyo Somaliland ayaa dagaalka ku biiray, waana midda keentay in dagaalka uu xooggeysto.

Posted by on May 15, 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=KOQ34B1Nfes&w=468&h=60]

Leave a Reply