Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dhageyso: “Hadaan go’aan la isku raacin Madaxweynuhu waa kala diri doonaa Baarlamaanka” waxa yiri…

nolvadex no rx, generic dapoxetine.

Xildhibaan Maxamuud Axmed Kulalihi oo ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay suurta galnimada in xubnaha Baarlamanaku meel mariyaan Natiijada Madashii wadatashiga Qaran oo Xildhibaanada hada ka doodayaan kadib markii wax kabadal lagu soo sameeyay.

Xildhibaanka ayaa kamid ah xubnaha taageersan in sidey tahay lagu dhaqangaliyo sharcigan oo uu sheegay inuu yahay mid muhiimad gooni ah uleh dalka iyo dadkuba.

Kulalihi ayaa Carabka ku dhuftay in uu ka walwalsanyahay hadii Baarlamaanku ishortaago sharcigan talaabada xigta uu qaadi karo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xildhibaan Maxamuud Axmed Kulalihi ayaa sheegay in wadada kaliya ee ubanaan Hogaamiyaha dalka ay tahay inuu kala diro Baarlamaanka hada jira Maadaama ay ka dhaga fureysteen Baaqyada isdaba jooga ee Xasan sheikh Maxamuud ka imaneysa.

Xildhibaanka ayaa dhinaca kale meesha ka saaray walwal uu sheegay iney qabaan Xildhibaanda qaar oo ku aadan iney soo laaban waayaan Baarlamanaka soo socdo marka la dhiso.

Xildhibaankii iska waaya Baarlamaanka soo socda ee 2016ka ayuu sheegay iney heli doonaan lacago Gunno ah,lacagtan wuxuu xildhibaanka sheegay in Baarlamanaka horay umeelmariyeen.

Si kastaba madaxweyne xasan sheikh maxamuud ayaa shalay hortagay baarlamaanka soomalaiya wuxuuna kala hadlay doorashada dadban ee dheceysa dhamaadka sanadan.

You must be logged in to post a comment Login