DHAGEYSO: Madaxweyne Waare oo afka furtay markuu yimid Muqdisho

Filed under: Wararka |

Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare Siraaji ayaa Galabta soo gaaray Muqdisho islamarkaana si heer sare ah loo soo dhaweeyey.

Madaxweyne Waare waxaa garoonka Diyaaradaha Muqdisho uu kula hadlay Warbaahinta,isagoo ka dhawaajiyey Arimo Xasaasi ah.

Kuxigeenkiisa Cali Guudlaawe,Xildhibaan Mahad Salaad oo Katirsan Golaha Shacabka Soomaaliyeed iyo Xubno kale oo Labada Gole katirsan ayaa soo dhaweeyey madaxweyne Waare.

Waxa uu Ka hadlay Waare Wixii kasoo baxay Natiijo ahaan Shirkii ka dhacay Dhawaan Kismaayo,isagoo tibaaxay in Dawlada Dhexe loogu soo jeedinayey Khaladaadkeeda,inay saxdana laga doonayo.

Waxa sidoo kale uu ka hadlay Qaraxii Muqdisho Ka dhacay maanta isagoo sheegay in Amniga uu sii xumaaday.

“HirShabelle & Galmudug Hadii Ari Deggan Yihiin Waa La Arki Doonaa,ayuu Si Caro ku jirto uyiri Madaxweyne Waare”

Siyaasiyiin dersa Xaalada Soomaaliya waxay durba ka keeneen hadalkaas mid saameyn kale abuuri doona.

Dawlada Dhexe iyo Dawlad Gobolleedyada ayaa Khilaaf Siyaasadeed oo heer culus gaaray ka dhex aloosan yahay,hadana waxaa socda kala jiidasho ay Dawladu wado ay ku kala dhantaaleyso Awooda Madaxda Maamul Gobolleedyada.

HOOS KA DHAGEYSO CODKA:

Posted by on September 10, 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=KOQ34B1Nfes&w=468&h=60]

Leave a Reply