Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DHAGEYSO: Maxkamadda ICJ oo Soomaaliya Dhageysatay iyo Arrin Cusub oo soo korortay (Top Maqal)

Super Tadarise for sale, clomid online.

baclofen no rx, buy celebrex, clomid without prescription. online Zoloft.

Maxkamadda Cadaalada Caalamiga ah ee ICJ ee ku taalla Magaalada Hague ee Dalka Holland ayaa Dhageysatay maanta markii Labaad Soomaaliya, Muranka Dacwadda ee kala dhaxeeya Kenya.

Qareenada u doodayay Soomaaliya oo maanta si toos ah looga daawanayay warbaahinta Magaalada Hague ayaa la sheegay in ay si wanaagsan u hadleen, sidoo kalena ay ka jawaabeen eedeynta Dowladda Kenya ee ku aadan in Dacawadan aysan qaadi karin Maxkamadda ICJ.

Sidoo kale waxa ay meesha ka saareen heshiiskii is afgaradka ahaa ee horey loo gaaray in uu yahay heshiis sharci ah ama heshiis kala xadeynaya Baddaha Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ugu dambeyn sheegay in ay sugayaan Go’aanka ugu dambeeya ee Maxkamadda ICJ, oo ay ku go’aan natiijda ka soo baxda.

Maxkamadda Cadaalada Caalamiga ah ee ICJ ee ku taalla Magaalada Hague ee Dalka Holland ayaa mudo 90 Cisho gudahood ku soo bandhigi doonta Dacwadan in ay qaadi karto iyo in aysan qaadi karin.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir oo markii ay Dacwadda soo idlaatay warbaahinta kula hadlay banaanka Maxkamadda ayaa sheegay in Soomaaliya rajo wanaagsan ay ka leedahay arintan.

HALKAN KA DHAGEYSO HADLKA XEER ILAALIYAH

You must be logged in to post a comment Login