Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DHAGEYSO: Saldhigii ugu weynaa Al-Shabaab oo la bur buriyay

order Erectalis online, zithromax reviews.

Ciidamada Ethiopia  iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo ka sameeyeen nawaaxiga degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Howlgalladaan ayaa waxa ay ku macneeyeen Saraakiisha Ciidanka dowladd kuwo lagu xaqiijinayo Amniga , Al Shabaabna  looga saarayo Tuulooyinka u dhow dhow degmada Diinsoor Gobolka Baay.

Guddoomiyaha Diinsoor ee Gobolka Baay Ibraahim Maxamed Nuur Shigshigow ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay howlgalladii ay  Ciidamada huwanta ka sameeyeen deegaanada iyo tuulooyinka ku teedsan degmada Diinsoor.

waxaana uu sheegay in ay Ciidamadu bur buriyeen  Saldhigyo  ay Al Shabaab ku leeyihiin deegaanada howlgalka laga sameeyay.

Deegaanno dhowr ah oo hoos yimaad Gobolka Baay ayaa waxaa gacanta ku haya Al Shabaab waxaana Ciidamada dowladda & kuwa Ethiopia ay wadaan howlgallo Al Shabaab looga saarayo deegaanadaasi.

waxaana xusid mudan  in mararka qaar ay dhacaan iska hor’imaadyo u dhexeeya Ciidamada howlgalka wada iyo Al Shabaab kaas oo khasaaraha ugu badan uu soo gaaro dad shacab ah.

You must be logged in to post a comment Login