Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DHAGEYSO URURKA AL-SHABAAB OO SHEEGTAY IN AY GACANTA KU DHIGEEN DOON AY LA SOCDEEN CIIDAMO KATIRSAN DOWLADA SOOMAALIYA

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay Ciidamadooda Badda ay gacanta ku dhigeen Dooni ay la socdeen Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya oo ku sii jeeday Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

thumb

Sheekh Muxamad Abuu Cabdallaahi Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in Ciidamadooda ay qabteen Doon ay la socdeen Ciidamo katirsan Dowlada kuna sii jeeday Magaalada Baraawe.

Abuu Cabdalla ayaa xusay in Doonidan ay ka tagtay Magaalada Muqdisho ayna waday jaad ay u qaaday Magaalada Baraawe, waxa uu xusay in Doonidaasi iyo Ciidamada iyo dadkii kale la socday maxkamad la horgeyn doono .

Cialis Jelly online, zithromax online.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in ay dhankooda isku soo dhiibeen Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya oo watay gaari nuuca Dagaalka ah gaar ahaan gaari uu ku xiran yahay qorayga lidka diyaaradaha .

Saraakiisha Dowlada ee Gobolka Shabeelaha Hoose wali kama aysan hadlin hadalkan kasoo yeeray Xarakada Al-Shabaab ee ku aadan in ay qabteen Dooni Baraawe kusii jeeday iyo Ciidamada ka goostay Dowlada ee isku dhiibay Al-Shabaab.

You must be logged in to post a comment Login